Golaha Ammaanka ee QM oo War kasoo saaray xaaladda Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Ammaanka ee QM oo War kasoo saaray xaaladda Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirka Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku baaqay in bartamaha bishan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada isugu yimaadaan magaalada Garoowe ee ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo wadahadallada cusub ee lagu baaqay 15-ka Febraayo.

Warbixintaasi ayaa sidoo kale ugu baaqday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay dib u billaabaan wadaxaajoodka isla markaana ay ka wada shaqeeyaan danaha shacabka Soomaaliyeed oo ay ka heshiiyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho loo wada dhan yahay.

Golahani ayaa go’aankani qaatay kaddib markii uu warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya uu ka dhageystay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan.

Go’aankan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa soo baxay saacado uun kaddib markii maadxweyne Farmaajo uu soo jeediyay in 15-ka bishan shir kale lagu qabto magaalada Garoowe, shirkaasi oo uu sheegay in uu dhammaystir u noqonayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-Sebteembar 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.