Golaha Ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya xaaladda Cakiran ee dalka

Read Time:1 Minute, 5 Second

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta fadhi ka yeelanaya Qalaalasadaha Siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya,kadib markii ay dhamaatay muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kulankan uu yahay mid albaabada loo xiranayo iyadoo go’aan laga gaarayo mowqifka ay Qaramda Midoobay ka qaadanayso arrimaha dalka Soomaaliya.

Boqortooyada Ingiriiska oo kamid ah 5-ta Dowladood ee Joogtada ah ayaa codsatay fadhigan uu maanta yeelanayo Golaha Ammaanka.

Waxyaabaha keenay kulankaan degdeg ah ayaa lagu sheegay in xubnaha Mucaaradka ay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaameen in uusan sameyn hagis ama jiheyn siyaasadeed oo dhanka Doorashooyinka ah iyada oo muddo xileedkiisu dhammaaday.

Warbaahin kala duwan ayaa daabacday in fadhigaan lagu dejinayo qorshe siyaasadeed lagu caddeynayo jiheynta xaaladda Soomaaliya si looga fogaado qalalaase & muranka oo kasii dheera meesha uu haatan joogo.

“Wadahadalka dhammaan dhinacyada arrintaan khuseyso waa lama huraan waana in la helo heshiis cad oo ballaaran oo ku saabsan halka loo socdo iyo dhabbaha loo marayo, London ayaa qorsheysay kalfadhi looga doodayo amniga iyo Xasiloonida Soomaaliya oo ku taariikheysan 22-ka Febaraayo kahor inta aan la cusbooneysiin Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku beegan 28-ka Febaraayoo 2021” ayuu sii raaciyay Dujarric.

Dowlada Federalka ayaa ku adkeysanaysa inay xilka sii hayn doonto illaa laga dooranayo xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.