Golaha Amaanka oo si wadajir ah u cambaareeyey weerarkii Mandheera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Amaanka oo si wadajir ah u cambaareeyey weerarkii Mandheera

Mareeg.com: Labo maalmood kaddib markii Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkii baska ee ka dhacay duleedka Mandera, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii shalay si wada-jir ah u cambaareeyay xasuuqa loo geystay 28-ka qof ee ka mid ahaa rakaabka baska, wuxuuna ku baaqay in caddaaladda la hor keeno dambiilayaasha falkaasi ka dambeeyay.

Golaha Ammaanka ayaa war-saxaafadeed si adag ugu cambaareeyay weerarka, wuxuuna tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha iyo dadka iyo dowladda Jamhuuriyadda Kenya.

Xubnaha 15-ka dal ee ku jira Golaha ayaa ku celiyay inay ku garab taagan yihiin dowladda Kenya dagaalka ay kula jirto Alshabaab.

Golaha Amaanka ayaa amaanay doorka Kenya ay ku leedahay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee dagaalka kula jira  Al-Shabaab.

Sabtidii la soo dhaafay, rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray bas dadweyne, waxayna dileen 28 ka tirsan rakaabkii baska saarnaa, kuwaasoo aan Muslim aheyn.

Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in caddaaladda la hor keeno dambiilayaasha ka dambeeyay weerarka, kuwa soo abaabulay iyo kuwa maalgaliyay weerarka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!