Mareeg Media
Somalia

Golaha Amaanka oo shiraya howlgalka AMISOM ee Somalia

Muqdisho, Somalia – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in Bishan kulan ay ka yeeshaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda Dalka Soomaaliya.

Safiirka Indonesia u qaabilsan QM, ahna Madaxweynaha Golaha Amaanka Bisha May, Dian Triansyah Djani ayaa waxuu sheegay in Shirka ka dhacaya 21-ka bishan looga hadlayo howlgalka AMISOM.

Djani ayaa xusay in Golaha Amaanka muddo kordhin ay u sameyn doonaan howlgalka AMISOM.

Waxaa uu tilmaamay in Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay ka hadli doonaan arimo badan oo khuseeya Dalalka Yemen iyo South Sudan.

Howlgalka AMISOM ayaa ah mid lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dagaal kula jirta Xoogaga Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa weli ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, waxaana Ururka sidoo kale mas’uul ka yihiin weeraro dhiig ku daatay oo ka dhacay Caasimada Soomaaliya.

Ururkan oo xiriir la leh Al Qaeda ayaa dooneysa in ay meesha ka saarto Dowladda Soomaaliya oo taageero ka hesha Beesha Caalamka.

Balse, Al Shabaab waxaa gacantooda ka baxay Magaalooyin muhiim kadib markii culeys ay kala kulmeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo qiyaas ahaan dhan 22,000.

Inkastoo, Ururkan laga saaray goobo muhiim hadana waxaa weli awood muuqata ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Gobolada Dhexe iyo kuwa Koonfureed ee Dalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!