Golaha Amaanka oo raba in Soomaaliya yeelato hogaan siyaasadeed oo mideysan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Amaanka oo raba in Soomaaliya yeelato hogaan siyaasadeed oo mideysan

Mareeg.com: 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hoosta xariiqay muhiimada ay leedahay hoggaan siyaadadeed oo mideysan iyadoo golahu uu walaac ka muujiyay saameynta ay xiisadaha siyaasadeed ay ku yeelan karaan horumarka laga garaay nabada iyo deganaanshaha Somaaliya.

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada New York ayaa shaaca ka qaaday in codka kalsoonida ee dhowaan baarlamaanka Soomaaliya uu kala noqday reysul wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed xilli ay soo cusboonaadeen xasilooni darro siyaasadeed iyo rabshadaha ay kooxaha xagjirka ka wadaan wadamada bariga Afrika.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa booqshadoodii Somalia warbixin ka siiyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, iyagoo ku baaqay in ay muhiim tahay in hoggaanka Soomaaliya ay noqdaan kuwo wada-shaqeyn ay ka dhexeyso. Sidoo kale xubnaha ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha ka taagan Soomaalia, gaar ahaan xasillooni la’aanta siyaasadeed.

Sidoo kale, xubnaha 15-ka ah ayaa soo dhaweeyay go’aankii dhawaan uu ku xalliyay golaha baarlamaanka Soomaaliya xiisadihii siyaadeed ee taagnaa. Waxayna ammaan u jeediyeen ra’iisul wasaarihii kalsoonida lagala laabtay taasoo ku aaddan ogolaashihii uu ogolaaday natiijada iyo baaqsiissii ahaa in khilaafka lagu bedelo wada-shaqeyn.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku celiyay go’aankooda ay taageerayaan hirgalinta aragtida 2016-ka ee ah inay dalka doorasho ka dhacdo. Waxayna intaa raaciyeen inay muhiim tahay in madaxweynuhu uu si dhaqso ah u soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay dalbadeen in si dhaqso ah loo hagaajiyo xiisadaha siyaasadeed ee kusoo laalaabtay dowladda Soomaaliya, lana sii wado howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab si loogu guuleysto aragtida soo aaddan ee 2016-ka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida kala laabtay reysul wasaarihii hore Cabdiweli, lixdii bishan December kadib markii uu khilaaf uu soo gala dhex galay isaga iyo madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku celceliyay taageerada ay u hayaan hergelinta qorshaha hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka, sidaa daraadeed ayaa goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay muhiimka u tahay in madaxweynaha Soomaaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabo reysul wasaare cusub.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.