Golaha Amaanka Oo Maanta Ka Shiraya Kordhina Amisom Iyo Qalabeynta Milateriga Soomaaliya

New York: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta kulan gaar ah ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kordhinta Ciidamada AMISOM iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya oo markii ugu horreysay miiska la saarayo.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Aadan oo kulanka Golaha Amaanka ka qebgeleysa ayaa khudbad ka jeedin doonta shirkaas, taasoo lagu codsanayo in ciidamada Soomaali la taageero.

Golaha ammaanka ayaa ka doodi doona qorshaha la xiriira hindisaha lagu kordhinayo in lagu krodhiyo ciidamada AMISOM oo iminka ah ilaa 17,000, lana gaarsiiyo ilaa 24-kun askari.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon iyo Midowga Afrika ayaa qorshahaas gadaal ka riixaya, waxaana barbar socda in taageero heer sare ah la siiyo ciidamada Soomaaliya ee ka barbar dagaalla Alshabaab.

Qorshaha lagu kordhinayo ciidamada AMISOM ayaa xoogeystay bishii hore September, xilligaasoo Alshabaab weerar dhiig badan ku daatay ku qaadday xarrunta ganacsiga Westage ee magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Mareeg.com