Golaha Amaanka oo ku taliyey in la dhiso maamul goboleedyo xoogan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Amaanka oo ku taliyey in la dhiso maamul goboleedyo xoogan

Mareeg.com: Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey dhismaha xukuumada cusub ee Soomaaliya wuxuuna ku booriyey iney ka qeybqaataan xasilinta goobaha lagala wareegey Alshabab.

Bishan feberaayo 9-keedii ayaa xubnaha baarlamanka Somalia ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya kuwaasoo ka kooban 25 wasiir, 26 wasiir ku xigeen iyo 14 wasiiru dowlayaal.

Golaha Ammaanku waxay si weyn usoo dhaweeyeen ansaxinta golaha wasiirada ee cusub ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay golaha ammaanka ee Qramada Midoobay.

Golaha ammaanku wuxuu sidoo kale ku baaqay dhismaha iyo xoojinta maamul goboleedyada ku-meelgaarka ah ee dalka si loo xasiliyo meelaha laga qabsaday Alshabab lana hirgeliyo dhismaha dhammaan maalmul-goboleedyada dalka.

Xukuumadda cusub ee uu hogaaminayo RW Cumar C/rashiid ayaa waxaa horyaalla howlo badan, iyadoo waqti koobana u harsan yahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!