Golaha Amaanka oo ka shiraya arrimha Soomaaliya iyo howlgalka Amisom * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Amaanka oo ka shiraya arrimha Soomaaliya iyo howlgalka Amisom

New York – Mareeg.com: Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 6-da illaa 8-da bisha Maarso 2014 ka shiraya arrimaha Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, C/ramxaan Ducaale Beyle oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta oo Jimco ka ambabaxeen Muqdisho kuna sii jeedaan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa Soomaaliya uga qeybgelaya shirka Golaha Amaanku uga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan waxaa looga hadli doonaa dib u eegis lagu sameynayo cunaqabateynta hubka ee sanad ka hor laga khafiifiyey Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale, lagu soo qaadi doonaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ay ku biireen ciidamada Itoobiya, islamarkaana qaab howleedka AMISOM loo qeybiyey 6 qeybood, iyadoo markii hore aheyd 4 qeybood.

Sanad ka hor ayay ahayd markii xubnaha Golaha Ammaanka ee 15-ka ah ay isla ogolaadeen in Soomaaliya laga khafiifiyo cunno-qabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya sannadkii 1992-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaan sanadkii lasoo dhaafay si muuqata uga faa’iideysan cunaqabateynta laga khafiiiyey sanadkii hore, iyadoo sheegtay ineysan heysan lacag ay hub ku iibsato.

Kooxda la socodka cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo Erterya ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in hub ay ka heshay dalal dowladda gacan siiya qaarkiis loo gacan geliyey Alshabaab, arrinkaas oo dowladdu gaashaanka ku dhufatay.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!