Golaha Amaanka oo diiday in gumeysiga laga qaado Falastiin! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Amaanka oo diiday in gumeysiga laga qaado Falastiin!

Mareeg.com: Golaha Amaanka ee Qaramada Miudoobay ayaa diiday qoshe lagu doonayey in gumeysiga looga qaado dalka Falastin, kaasoo uu soo gudbiyey dalka Urdun, islamarkaana ay Falastiiniyiintu ku dadaalayeen inuu guuleysto.

Dhulka Falastiiniyiinta waxaa gumeys ku heysta dowladda Israel tan iyo sanadkii 1967. Mashruuca Golaha Amaanku diiday ayaa dhigayey in 3 sano kadib madax banaani la siiyo dadka reer Falastiin.

Mashruuca waxaa taageeray 8 dowladood oo ay ka mid yihiin: Russia, China, France, Argentina, Chad, Chile, Jordan iyo Luxembourg.

Waxaa masruucaas diiday dalalka Mareykanka iyo Australia. Mareykanka ayaa ku doodaya in madax banaani la siiyo Falastiin aysan u adeegeyn amaanka Israel.

Guusha qorshahaan ay wadday dowladda Urdun ayaa u baahnaa codadka 9 ka mid ah xubnaha Golaha Amaanka, iyo inaan dal ka mid ah kuwa leh codka Veto uusan kasoo horjeesan.

5 dowladood oo kala ah: UK, Lithuania, Nigeria, Korea iyo Rwanda ayaa ka aamusay u codeynta qorshahaas. UK ayaa horay u muujisay sida aysan ugu qanacsaneyn qorshaas.

Dina Qacura oo ah wakiilka Urdun ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in natiijada codeyntu aysan aheyn iney is hortaagto xallinta muranta Falastin iyo Israel.

Dowladda Urdun ayaa mashruucan u gudbisay Golaha Amaanka, kadib markii ay ogolaadeen 22 dal oo Carbeed iyo maamulka Falastiiniyiinta. arrintaas waxaa cambaareey Israel oo ku tilmaamtay dhagar.

Mashruuca ayaa dhigayey in Israel soo gebagebsyo gumeysiga dhulka Falastiiniyiinta marka la gaaro sanadka 2017.

Sidoo kale, qorshaha ayaa dhigayey in Falastiin iyo Israel muddo sanad ah ku gaaraan heshiis nabadeed oo ballaaran iyo in la furo wadahadal cusub oo saleysan xuduuda dhulkii Israel qabsatay sanadkii 1967.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!