New York, Mareeg.com: Golaha Amanaaka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay ogolaaday in ciidamada AMISOM lagu kordhiyo ilaa 4,400 (Afar iyo Afar Boqol Askari) oo dheeraad ah.
Golaha amaanka ayaa aqbalay codsi Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika gudbiyeen kaasoo ku saabsanaa in la kordhiyo ciidamada AMSIOM ee Alshabaab kula dagaalla gudaha Soomaaliya.
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah ugu codeeyey in codeeyey in ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga lagu kordhiyo 4,400 oo askari, taasoo tirade ciidamadaas ka dhigeysa 22,126 askari.
Golaha ayaa raba in Soomaaliya loo diro sanakda cusub ee 2014 ilaa 2,550 oo ciidamada dagaallama ah iyo 1,845 askarii oo caawiya ciidamada dhulka ka dagaallama.
Golaha Amaanka ayaa ku baaqay taageero xoog leh oo Qaramada Midoobay u fidiso ciidamada AMISOM si loo soo afjaro dhibaatada ka taagan Soomaaliya, loona jebiyo Alshabaab oo gobollo badan gacanta ku haya.
UN-ka ayaa bilaabay iney xooga saaraan kordhinta ciidamada AMSIOM kadib markii 21-kii September Alshabaab weerar 67 qof ku dhinteen ku qaadeen xarrun ganacsi oo ku taalla caasimadda Kenya ee Nairobi.
“Weeraradii dhawaan Alshabaab geysteen waxey tusinayaan khatartooda, Soomaaliya oo kaliyana maahee waa gobolka oo dhan” ayuu yiri danjiraha UN-ka u fadhiya dalka Britain Ambassador Mark Lyall Grant.
Sidoo kale, Golaha Amaanka ayaa kordhiyey mudada ciidamada AMSIOM oo sanadkiiba mar la kordhiyo, waxaana waqtiga howlgalka AMISOM la gaarsiiyey ilaa bisha October ee sanadka 2014.
Dhanka ciidamada Soomaaliya, Golaha Amaanka ayaa milateriga Soomaalida u ogolaaday in la siiyo qalab aan aheyn kan lagu dagaallamo, balse ciidamadu u kkaashadaan dagaallada sida: Rasaas, gaadiid, cunto, shidaal, guriyeyn iyo qalab caafimaad.
Golaha Amaanka ayaa u muuqda kuwo aan weli ciidamada Soomaaliya u ogoleyn iney helaan hub xoog leh oo ay kula dagaallamaan Alshabaab, iyadoo Goluhu ka shaki qabo in haddii hub xoog leh la siiyo milateriga Soomaaliya uu gacanta u galo Alshabaab ama hogaamiye kooxeedyo beelahooda ku xiran.
Dowladda Soomnaaliya ayaa bishii hore Golaha Amaanka geysay codsi la xiriira in ciidamada Soomaaliya la siiyo hub culus oo ay kula dagaallamaan Alshabaab, hase ahaatee waxaa muuqata in codsigaas aan meel laga qaadin.
Mareeg.com