Golaha Amaanka Midowga Afrika Oo Muqdisho Tegay, Lana Kulmay Madaxweyne Xasan

Read Time:1 Minute, 23 Second

Muqdisho-(Mareeg.com)- Wafdi ballaaran oo ka socda guddiga Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Midowga Afrika ayaa maanta oo Jimce ah 25/10/2013 booqasho ku tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo ka yimid xarruntooda caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Xubnaha guddiga Golaha amaanka ee Midowga Afrika oo gaaraya 15 xubnood ayaa 14 ka mid ah maanta Muqdisho kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud, iyadoo xubinta maqan tahay dalka Masar oo kadib afgenbigii ciidamada laga joojiyey xubinmada Midowga Afrika.

Madaxwynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud iyo Xubnaha 14-ka ah ee Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay sidii xoojin lahaa ciidamada dowladda Soomaaliya si ay awood ugu helaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Sidoo kale, waxaa shirka maanta looga wada hadlay in la kordhiyo ciidamada AMISOM, islamarkaana qalab la siiyo ciidamadaas oo miltaeriga Soomaaliya ka gacansiiya la dagaallanka Alshabaab.

Afhayeenka xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cusmar Cusmaan “Yariisow” oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii ugu horreysay Golaha Amaanka ee Afrika ogolaadeen iney si rasmi ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uga codsadaan in la tayeeyo, lana qalabeeyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka codsan doonaan inuu soo saaro qaraar rasmi ah oo markii ugu horreysay uu ku ogolaanayo in tas-hiilaad iyo qalab la siiyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Eng. Yariisow ayaa sheegay in shirka maanta la iskulka gartay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee dhamaan xubnaha Golaha Amaanka ee Midowga Afrika Muqdisho yimaadaan, si ay ula kulmaan madaxweynaha Soomaaliya.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %