Read Time:1 Minute, 24 Second
Mareeg.com: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii qaraxyada ahaa ee shalay lagu qaaday Hotel Central oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada, ee ay ku dhinteen ilaa 25 ruux oo ay ku jireen Mas’uuliyiin, xildhibaano, siyaasiyiin iyo shacab.
War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ahaa mid argagixiso, isla markaana aanu hor istaagi doonin horumarada iyo garab istaaga Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid bahalnimo ah, iyadoo dad cibaadeysanaya lagu weeraro qaraxyo, waxaana uu xusay inay sii wadi doonaan taageerada dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Somalia James McAnulty ayaa si weyn u cambaareeyey qaraxii ka dhacay Central Hotel, James McAnulty ayaa tacsi u diray qoysaskii iyo asxaabtii, dadkii lagu dilay iyo kuwii lagu dhaawacay weerarkii shalay lagu qaaday Central Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana Wakiilku ballanqaaday in dawladda Maraykanku ay si dhow ugala shaqayn doonto madaxda Somalia, Ciidamada Xoogga dalka Somalia iyo weliba ciidamada nabad ilaalinta midawga Afrika sidii ay meesha uga saari lahaayeen Alshabaab.
Midawga Yurub oo isaguna Warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku cambaareeyey weerarka ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu bartilmaameedsaday Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo xubno baarlamaanka ah, Waxaana Midawga Yurub uu weerarkaas ugu yeedheen inuu ahaa mid argagixiso, isla markaana looga dan lahaa in lagu carqaladeeyo horumarka iyo xasiloonida Somalia ku socoto. Waxaana Midawga Yurub uu sheegay inaanay u ogolaanayn in kooxaha diiddan horumarku inay guulaystaan.
Midawga Yurub ayaa isagu ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan hay’adaha federaalka taas oo ay uga gol leeyihiin in la aasaaso deegaan nabdoon oo ammaan ah.
Mareeg Media
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0
0 %
Sad
0
0 %
Excited
0
0 %
Sleepy
0
0 %
Angry
0
0 %
Surprise
0
0 %