Golaha amaanka ee QM oo war kulul ka soo saaray weerarkii ka dhacay degaanka Golweyn
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay kulan ku yeeshay magaalada New York ayaa war qoraal ah oo ay ku cambaareeyay weerarkii xoogag ka tirsan Al-Shabab ay ku qaadeen ciidamada Uganda ee AMISOM.
Weerarkan ayaa todobaadkan ka dhacay Axaddii degaanka Golweyn ee ku dhow degaanka Buula-Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose, markii jidka loo galay kolonyo ka tirsan ciidamada Uganda oo galbineysay sahay ciidan waxaana ku dhintay 12 askari, todoba kalena waa lagu dhaawacantay.
Golaha Amaanka ayaa tacsi u diray qoysaska askarti geeriyootay, soo kabashana u rajeeyay kuwii dhaawacmay, wuxuuna sheegay in argagixisadu waji kasta oo ay leedahay ay tahay halista ugu weyn ee heysata amaanka dunida.
Waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in kuwa dambiyada galaa, kuwa abaabula iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiyaba la horgeeyo cadaaladda.
Golaha amaanka ayaa sheegay iney ka go’antahay taageerida nabadda xasiloonida, iyo horumarinta Soomaaliya. Waxeyna sheegeen in weerar argagixiso oo kuwo arxan daran ay geystaan aanu wiiqi doonin ka go’naanshahooda taageeridda in Soomaaliya nabad lagu soo dabaalo.
Comments are closed.