Mareeg Media
Somalia

Golaha amaanka Ee Qaramada Midoobay oo Sacadaha Soo aadan go’aan culus ka gaaraya somalia

Muqdisho ( Mareeg News ) Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay Arbacada beri isugu yimaadaan kulan gaar ah oo la filayo inay cunaqabtaynata dhinaca hubka ah kaga khafiifiyaan Soomaaliya, sidoo kale ay cunaqabataynta saaran dalka Ereteriya ka qaadaan.

 

Qaraar ay soo diyaariyeen dalalka Soomaaliya la saaxiibka ah ee Qatar iyo kuwo kale oo Afrikaan ah, ayaa waxay kaga dalbanayaan golaha ammaanka in Soomaaliya loo ogolaado inay la soo degto hubka noocyadiisa kala duwan si ay u dhisato ciidan milatari oo awood leh.

 

Qaraarkan, ayaa waxa ku jira noocyo kala duwan oo ah hubka noocyadiisa oo ay dawladda Soomaaliya dunida ka soo iibsan doonto, haddii ay golaha ammaanku ansixiyaan qaraarkan arbacad beri la horgaynayo.

 

Qaraarkan ayaa haddii la ansixiyo wuxuu dawladda Soomaaliya siinayaa awood ah inay dawladoodu hesho hub iyo qalab ciidan oo kala duwan, waxaana la filayaa inay ku caawiyaan dawladaha la saaxiibka ah oo ay hadda dabar ku tahay cunaqabtaynta hubka ee saaran.

 

Waxase jira dalal kale oo ka soo horjeeda in la khafiifiyo cunaqabatayntan hubka ee Soomaaliya, iyagoo aaminsan inaanay weli dalka Soomaaliya ka jirin dawlad masuul ah oo lagu aamini karo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaanay diblomaasiyiin badani aaminsanyihiin in hubkaasi si fudud gacanta ugu geli karo kooxaha ka dagaalama Soomaaliya.

 

ku dhufo halkaan si aad u Booqato bogga hore ee Mareeg News oo laga helayo warar xasaasi ah

Fikirkaaga qeybta hoose ee Facebook noogu reeb waa inoo muhiim

F.G: Rukumo Wararka Mareeg News  si laguugu soo diro adigoo aan webka soo booqan, hadaad u baahan tahay fadlan ku dhufo Calaamadda Gambaleelka ee kaaga muuqato Website-ka qeybta Midig  kadibna raac tilmaamaha.

 

Mareeg.com

xafiiska muqdisho

Email: info@mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!