Golaha Adeega Garsoorka oo la kala diray (Akhri qoraalka madaxweyne Xasan)

Mareeg.com: Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya ayaa la kala diray, sida ku cad warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo soo baxday 11-03-2015.

Kala dirista Golaha Adeega Garsoorka ayaa loo cuskaday ineysan markii horaba waafaqsaneyn Dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya, sida lagu yiri warqadda uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida ku cad qoraalkan, kala diristu saameyn kuma yeelan doonto Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo sidoo kale Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Akhri dekereetada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya. Riix sawirka qoraalka si muqaalku u weynaado.

Digreeto

Ma jiro wax war ah oo weli kasoo baxay Golaha Adeega Garsoorka ee uu madaxda u yahay gudoomiyaha maxkamadda sare Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245