Golaha Adeega Garsoorka oo ku gacanseyray kala dirista madaxweyne Xasan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Golaha Adeega Garsoorka oo ku gacanseyray kala dirista madaxweyne Xasan

Mareeg.com: Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya, ayaa kasoo horjeestay kala dirisku uu ku sameeyey madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo soo baxday 1-kii bishaan Maarso 2015.



Shir aan caadi aheyn oo isugu yimaadeen 8 ka mid ah 9-ka xubnood ee Golaha Adeega Garsoorka ayay uga soo horjeesteen qoraal kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu kala diray golohooda.

Waxaa shirkan oo ahaa mid aan caadi ahayn ka soo qayb-galay sideed xubnood oo kamid ah sagaalka xubnood ee uu ka kooban-yahay guddiga adeega Garsoorka oo uu ku jiro guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdulaahi (Ilka Xanaf).

“Halkan waxaa taala digreeto usoo qoray madaxweynaha Soomaaliya ee halaga hadlo” ayuu yiri guddoomiyaha golaha adeega garsoorka Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf oo kulankan furay.

Dood dheer kadib Golaha Adeegga Garsoorka ayaa soo saaray qodobo gaarayay soo socda;-

1: In golaha adeegga garsoorka kamid yahay 3-da tiir ee qaranku ka koobanyahay

2: In digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya aaney waafaqsanayn dastuurka jamhuuriyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

3: In aanu jirin dastuur ama sharci madaxweynaha awood u siinaya in uu kala diro golaha adeega garsoorka ama gole kale oo Qaran.

4: In marka wax garsoor ku saabsan laga hadlayo sida dastuurku dhigayo madaxweynuhu uu helo ogolaanshaha golaha adeegga Garsoorka, xitaa magacaabista xeer-ilaaliyaha iyo ku xigeenkiisa.

5: Hadii lagu kaco ama lagu dhaqaaqo talaabo garsoorka la xidhiidha oo aan lagala tashan Golaha Adeegga Garsoorka ,waa qayru sharci ,xitaa hadii goluhu yahay mid ku meel gaadh ah.

Golahan oo muddo khilaaf kala dhaxeeyey xafiiska madaxweynaha Soomaaliya aya ku adkeysanaya iney iney shaqada sii wadan doonaan ilaa laga dhiso gole cusub.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!