Gobollada dalka oo ay ka socoto Ciidamada loo xulayo isku dhafka Ciidanka XDS * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gobollada dalka oo ay ka socoto Ciidamada loo xulayo isku dhafka Ciidanka XDS

Washington ( Mareeg.com)-Inta badan Gobollada dalka ayaa waxaa ka soconeysa Xulista Ciidamada Soomaaliyeed ee la qarameynayo.

Maamul Goboleedyada ayaa ka qeyb qaadanaya soo xulista dadka loo qaadanaya Ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka ayaa dadaalka ugu xoogan ugu jirta in la helo Ciidan matala qaranka Soomaaliyeed ee isku dhaf ah.

Haddaba arrintaan oo aan wax ka weydiinay aqoonyahanaka Soomaaliyeed Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayuu sheegay in ay tahay tallaabo wax ku ool ah, isagoo ku taliyay in 18 Gobol ee dalka laga soo wada xulo Ciidamada lagana fogaado in hab qabiil loo soo xulo taas oo uu sheegay in ay dhaawaceyso Heykalka  qaranimo.

“ Haddii Intaas la helo dadlku waxa uu galayaa Jawi uu kula tartami karo wadamada asaasgiisa ah” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilligii la doortay waxa uu sheegay in Muhiimaddiisa Koowaad ay ka mid noqon doonto in dalku uu yeesho Ciidan qalabeysan oo awood u yeesha difaaca dhulka umadda Soomaaliyeed.

Dalka ayaa dhanka Milatariga iyo arrimaha Ciidanka dalka u badan kuwa Dariska oo inta badan xilligii dowladda dhexe ay jirtay tayo iyo tiro ahaan intaba aan aad  uga horreynay, balse bur  burkii dalka uu galay ayaa keenay in ay bur buraan Ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!