GOBOLKA BARI:- Maxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Daacish Iyo Shabaab ? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

GOBOLKA BARI:- Maxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Daacish Iyo Shabaab ?

Wararka laga helayo Gobalka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish uu maanta ka qarxay deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa mareeg u sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas iyo madaafiic culus oo labada dhinac ay is-ku adeegsanayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Daacish ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhexeeya Al-shabaab iyo Daacish.

Ma jiraan weli wax faah-faahfaahin ah oo laga helay dagaalka iyo khasaarihiisa.

Cabsi badan ayaa xilligan soo wajahday Shacabka ku nool deegaanada ay weli ku dagaalamayaan Al-shabaab iyo Daacish.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.