Muqdisho, Mareeg.com: Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay tirada kaalmo uu maalmahaan u uruurinayey dadkii duufaantu ku saameysay Puntland iyo dadkii fataahadda webiga Shabeelle ku dhibaateysay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa warbaahinta u faahfaahiyey dhaqaalaha ay kasoo uruuriyeen dadka ku nool gobolka Banaadir iyo ganacsatada.
Mr. Tarsan ayaa sheegay in lacagta la uruuriyey ay gaareyso ilaa $300 kun dollar, wuxuuna xusay in $200 kun ka mid ah loo dirayo Puntland, halka $100-ka kun ee kale raashin loogu iibiyey dadka ku nool Jowhar iyo Balcad.
Wuxuu sheegay Tarsan iney wafdi u dirayaan dhanka Puntland si ay u gaarsiiyaan dhaqaalaha ay soo uruuriyeen dadka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Gudoomiye Tarsan ayaa dhanka kale sheegay iney magaalada Jowhar u dirayaan ilaa 6 gaari oo mucaawino ah, oo sida uu yiri ku filan ilaa 1900 qoys. Sidoo kale, wuxuu sheegay Tarsan in degmada Balcad loo dirayo 3 gaari oo raashin sida.
Tarsan wuxuu sheegay in lacagta laga uruuriyey gobolka Banaadir ay $72,500 ka mid ah bixiyeen ganacsatada Soomaaliyeed, halka inta kale ee lacagtaas ay bixiyeen dadka kale ee ku nool gobolka Banaadir.
Mareeg.com