Gobolka Banaadir malagu dari karaa gobol kale? (Dood sharci oo dhalatay) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gobolka Banaadir malagu dari karaa gobol kale? (Dood sharci oo dhalatay)

Mareeg.com: Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali  ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Labadiisa ku xigeen Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cabdalle Cawad in ay ku xadgudubeen xeer-hoosaadka baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cabdalle Cawad iyagoo adeegsanaya ra’yigooda shaqkhsiga ah ay soo saareen go’aan lagu diidayo in maamulka Banaadir oo ku biiro gobollo kale ama isaga lago soo biiro.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa qoraal u diray madaxweyne Xasan, R/wasaare Cumar C/rashiid, wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka Odawaa iyo Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Haddaba waxa uu ku qoray xildhibaan C/qaadir warqaddaas halkaan ka aqri, adigoo dhanka hoosana ka heli kara warqadii ay qoreen gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ee uu diidan yahay xildhibaanku.

GAD1

GAD (2)

 

 

Warqadda uu doodda ka qabo Xildhibaan C/qaadir Cosoble ee guddoonka baarlamaanku soo saareen

Gudoonka1Gudoonka2

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!