Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha amaanka oo iska kaashanaya sugida amaanka Muqdisho

Read Time:29 Second

Muqdisho (Mareeg)— Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane ayaa waxuu tibaaxay in Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee Dalka iyo Maamulka Gobolka ay isku afgarteen dardargelinta sugida amaanka Magaalada Muqdisho.

Afhayeen Cabdifataax Cumar Xalane ayaa waxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in sugida amaanka Caasimada Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay Shacabka Muqdisho in Ciidamada amaanka ay kala shaqeeyaan ka hortaga falalka amaanka liddiga ku ah.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxey holwgallo kala duwan ka sameeyeen qeybo ka mid ah Duleedka iyo gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.