Go'aan Lama Filaan ah Oo Si Deg Deg ah uga Soobaxay Dowlad Goboleedyada. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Go’aan Lama Filaan ah Oo Si Deg Deg ah uga Soobaxay Dowlad Goboleedyada.

Garoowe ( Mareeg News ) Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo kulan degdeg ah oo horudhac ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay doorasho ka dhacday Cadaado oo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay ku doorteen Madaxweyne.

War saxaafadeed Golaha ay soo saareen waxay cod dheer ku beeniyeen doorashada la sheegay in Madaxweyne cusub loo doortay galmudug, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay fidmo ay hormuud ka tahay dowladda Dhexe oo gacan dhaqaale ku bixineyso burburinta Galmudug.

Sidoo kale Waxaa uu Goluhu caddeeyay inuu fashilmay dadaaladii uu waday Aqalka Sare, iyadoo ugu baaqay Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka inay soo farageliyaan xaalada faraha ka sii baxeysa, si looga baaqsado in talada faraha ka baxdo.

Halkan ka akhriso war saxaafadeedka:-

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!