Ghana Oo Ciidamo Boolis Ah Usoo Direysa Soomaaliya

Read Time:58 Second

Accra: Dalka Ghana ayaa lagu wadaa inuu dhawaan Soomaaliya usoo diro ciidamo boolis ah oo qeyb ka noqda howlgalka Midowga Afrika ee Amisom. Ghana-Police

Tirada boolsika dalka Ghana usoo diraya Soomaaliya ayaa lagu sheegay ilaa 90 askari oo boolis si loo xoojiyo dadaallada nabadda ee ka socda  Soomaaliya.

Askartaan booliska ah ayaa lagu tababary tababarka caalamiga ee nabad ilaalinta Kofi Anan ee dalka Chana, waxaana tababarka loo soo xirayaa 25 ka bishan.

Tababrka askartaan ka socota Ghaana waxaa maalgaliyey xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka oo kaashanaya wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee dalkaas.

Madaxa tababarkan Fanny Aboagye ayaa sheegtay in mudoo bil ciidankan lagu geeyo Soomaaliya, si ay u xoojiyaan dadaallada nabadda iyo horumarka ee hadda ka socda Soomaaliya.

Waxay xustay in ciidanka la siinayo tababar ku saabsan dhowrista xuquuqda, wacyigelinta dhibaatada miinada iyo taageerada nolosha aasaasiga ah.

Dowladda Nayjeeriya oo aan Soomaaliya milateri ka joogin ayaa horray ciidan boolis ah u geysay Soomaaliya, waxaa sidoo kale ciidamo boolis ah oo yareyn Soomaaliya dalka Uganda oo leh ciidamada ugu badan ee Milateri Amisom.

Booliska AMISOM ayaa doonaya iney isku fidiyaan dhamaan magaalooyinka waaweyn ee ay joogaan milaterigooda sida Muqdisho, Baydhabo Baledweyne iyo meelo kale.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %