Generaal Gaafow oo shaqadii ka Eryay 1,500-Sarkaal oo ka tirsan Hay’ada NISA * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Generaal Gaafow oo shaqadii ka Eryay 1,500-Sarkaal oo ka tirsan Hay’ada NISA

Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Generaal C/llaahi Gaafow ayaa shaqadii ka joojiyay ku dhawaad 1,500 Ciidamo iyo Saraakiil isugu jira oo ka tirsan Nabad sugida Qaranka.

Saraakiisha uu Generaal Gaafow shaqada ka eryay waxaa ku jira Taliyihii Hay’ada Nabad sugida Gobolka Banaadir C/xakiim Farey oo shalay Xilkiisa loo magacaabay taliye cusub.

Generaal Gaafow ayaa u sheegay Saraakiisha iney ka soo bixi dhalaali waayeen booskooda,islamarkaan ay ku guuldareysteen iney gudaan waajibaadka saran.

Wuxuuna ku micneeyay sababta 1,500-Sarkaal shaqada looga fariisiyay iney tahay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hogaanka Hay’ada Nabad sugida,islamarkaana meesha u imaan lahaayeen Saraakiil tartan u gasha Difaaca Shabaab.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Gaari Qarax laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee Maqaayada Blue SKY oo ku dhow Xabsiga ugu weyn Hay’ada Nabad sugida ee Jilacow.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!