
Muqdisho ( Mareeg News ) Gudoomiyihii hore eegobolka banadir sharci yaqaan Gen Xasan mohamed xuseen mungaab ayaa jawaab kulul u diray Wasiirkii hore ee amniga Gudaha C/Risaaq cumar maxamed oo aad dhaliilay Amniga Caasimada Qoraal kulul oo ciwaan loo dhigay ( Wasiirkii hore ee Amniga Xildh : C/razaaq Cumar Maxamed wuxuu ubaahanyahay siminaar ku saabsan ( التربية الوطنية) .) Ayuu Bartiisa Facebook Ku Daabacay Gen Mungaab.
HALKAAN HOOSE KA AQRISO.
in wax la iska weydiiyo asbaabtii kalliftay Qaraxii shalay ee Atto atto iyo laxisaabtanka cidda ka gaabisay shaqadeedi waa arin loo baahan yahay , waxaana filayaa in waqtixaadirkaan madaxda Dalka ay ku howlanyihiin sidii ay Tilaabti kuhaboonayd uga qaadan lahaayeen arinkaas .
lkn bal aan wada xasuusanno Qodobada soosocda :
1- wasiirku wuxuu soo hadal qaaday wadooyin la xiray!! lkn xildhibaanku xilligii uu wasiirka Amniga ahaa wado xirid , burburin iyo gerweyn la dhicid laamiyadii ay noo dhiseen Walaaalaha Turkiga waa waxa kaliya ay ku xasuustaan shacabka soomaaliyeed !!!. .
2- isla xisaabtanka waa arin wanaagsan lkn xiligii uu wasiirka Amniga ahaa Qaraxyadii waaweynaa ee ay ku dhinteen Allah ha u naxariistee boqolaal shacab iyo Masuuliyiin soomaaliyeed ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ,isla markaana kuburburtay hanti fara badan tusaale ahaan : Qaraxyadii Hotel Saxafi1 , Makko Al mukarama , Ambaasatoor , Central , Liido sea food , Beach veiw iyo kuwo kale oo aan halkaan lagusoo koobi karin !! , yaa lagala xisaabtamay , yaa xilkoodi kuwaayay ? mase wuxuu kumashquulsanaa wado burburin , iyada oo shacabkana loo sheegi jiray waa kudaba jirnaa, waan baaraynaa iyo guddi ayaan u saarnay !!!! .
3- Xildhibaanku wuxuu qiray in bilihii lasoo dhaafay Amniga Caasimadda Muqdisho uu ka soo raaynayay Qaraxyadiina ay yaraadeen ,balse halkii uu ka bogaadinlahaa hay,adaha Amniga Qaranka ee Allah kasukow guushaa xaqiijiyay ayuu kudooday in Nabadda kajirta Xamar aysan ku imaan dadaal Dowladda soomaaliya iyo hay,adaheeda Amniga ay sameeyeen , balse ay kutimid nabadaasi duqaymaha ay sameeyaan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ee ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab .
waxaan wada ogsoonnahay in Howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee ka socanaya soomaaliya hafuliyeen Ciidamada QS ee Dowladda Soomaaliya ama kuwa Saaxiibada caalamaka ee taageera Dowladda Soomaaliya intaba waxaa Led gareeya Dowladda soomaaliya ammaan iyo bogaadin bayna kumudantahay iyada iyo saaxiibada caalamka , balse waxan aad ula yaabay xildhiban heer federaal ee Dowladdii uu katirsanaa u diidan guulihii ay kagaartay Amniga Caasimadda ee kudooddaya ciidamada Qaranka waxba mayna qaban ee Afrikom ayaa qaraxyadi ka yaraysay Xamar waana taa waxa aan u leeyahay Mudanaha wuxuu u baahanyahay siminaar kusaabsan Tarbiya wadaniya .
soomaaliya hanoolaato