Gen. Galaal,C/kariin Amni waxba kama yaqaano, waa macalin Iskool, amniga shuruudo rabaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gen. Galaal,C/kariin Amni waxba kama yaqaano, waa macalin Iskool, amniga shuruudo rabaa

Mareeg.com-Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida ayaa dhaliilay aqoonta Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed uu leeyahay arrimaha ammaanka.

Jen. Galaal oo wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee Muqdisho ayaa sheegay in C/kariin Guuleed aanu waxba ka aqoon arrimaha ammaanka, isagoo xusay amniga uu shuruudo u baahan yahay marka hore.

“Amni waxba kama yaqaano, asigaa ammaanka qatar ku ah, Macalin Iskool ayuu ahaa, waa aqoonyahan, laakiin amniga shuruudo badan u baahan yahay”ayuu yiri Jen. Galaal.

Waxaa uu ka codsaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in aanu Golaha Wasiirada ku soo darin urur diimeedyada dalka ka jira, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay qal qal ku yihiin amniga dalka.

Qaar ka mid ah Wasiiradii Xukuumadii Saacid ee uu Baarlamaanka kalsoonida kala noqday ayaa doonaya inay dib mar kale ugu soo laabtaan Xukuumada cusub ee uu soo dhisayo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed.

Hase ahaatee waxaa jira culeysyo Ra’iisul Wasaaraha uga imaanaya Baarlamaanka oo ku aadan in xubinihii wasiiradihii hore in aan lagu soo darin, waxaana taas ay keentay in daah badan uu ku yimaado waqtigii la filayay in lagu dhawaaqo Golaha wasiirada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!