Gedo: Degmada Buurdhuubo oo ka baxday gacanta Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gedo: Degmada Buurdhuubo oo ka baxday gacanta Alshabaab

Muqdisho – Mareeg.com: Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dawladda Itoobiya ayaa qabsaday magaalada Buurdhuubo kadib dagaallo qaraar oo socday tan iyo shalay.

Ciidamada huwanta ah ee isla socda ayaa la sheegay inay iska cabain xooggan kala kulmeen ururka Al-Shabab duleedka magaalada. Ilaa shalay ayaa la sheegay inay dhaceen ilaa saddex dagaal meelo ku xeeran magaalada.

Col. C/llaahi Cusmaan oo ah Abaanduulaha ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku heynta degmada Buur-dhuubo, isagoo tilmaamay in dhinacii kale ee Al-Shabaab ka saareen degmada.

Alshabaab ayaan qiran in laga saaray magaalada waxeyna sheegayaan in weli dagaalku ka socda dhul howd ah oo ka baxsan degmada Buurdhuubo.

Warar kale oo laga helay gobolka Gedo ayaa sheegaya in markii dagaalku socday labo maalmood ay Alshabaab ka baxeen degmadaas.

Al-Shabab ayaa la sheegay inay weli ka dagaalamayaan duleedka magaalada. Inta badan dadka magaalada ayaa la sheegay inay ka qaxeen madaafiicda la si weydaarsanayo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!