Garyaqaan lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Dabley aan la garan oo ku ku hubeysnaa bastoolado ayaa xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeynley ku dilay maanta nin garyaqaan ahaa.
Garyaqaanka la dilay oo caan ka ahaa halka algu dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Cawil Xabbad, waxaana lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa xaafadda macmacaanka, iyadoo ay meesha ka baxsadeen kooxihii dilka geystay.
Dableyda dishay garyaqaanka oo la sheegay iney ahaayeen labo dhallinyaro ah ayaa sidoo kale dhaawacay nin ku sugnaa dukaanka.
Tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan ayaa waxaa si maalinle ah u socday dilal loo geysanayo dad kala duwan, waxaana xalay Alshabaab si toos ah u weerareen madaxtooyada.
Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245