Garsoore xalay lagu dilay Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Dabley bastooladu ku hubeysan ayaa xalay degmada Waabari ku dilay garsoore ka tirsan maxkamada degmada Warta Nabadda (Ex-wardhiigley). Garsooraha la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Ibaarhim Xasan Maxamed.

Gudoomiyaha degmada Waabari, Axmed Muumin Maxamed ayaa waraabhinta u xaqiijiyey dilka garsoorahaas, wuxuuna xusay in labo hubeysan ugu galeen gurigiisa oo ku yaalla agagaarka Suuqa Beerta.

Wuxuu sheegay gudoomiyuhu in garsooraha oo dhaawac culus gaaray uu ku geeriyooday isbitaalka, isagoo dhanka kale tilmaamay in ciidamada amaanku ku guda jiraan baaritaan.

Shaqaalaha garsoorka oo aan laheyn cid ilaalisa amaankooda ayaa mararka qaar la kulma dilal, iyadoo horay loo dilay garsoorayaal badan, islamarkaana horay weerar loogu qaaday maxkamadda gobolka Banaadir.

Alshabaab ayaa horay ugu hanjabay iney dilayaan dhamaan shaqaalaha dowladda, siiba xildhibaanada iyo shaqaalaha garsoorka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245