Garsoore Lagu Dilay Degmada Hiliwaa Ee Magaalada Muqdisho

Read Time:49 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho manta ku dilay garsoore ka tirsan wasaaradda garsoorka Soomaaliya.

Garsooraha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Nuur Maxamed, waxaana la dilay isagoo howlo garsoornim ka hayay degmada Hilewaa ee Muqdisho.

Wasiirka garsoorka iyo Cadaaladda, arrimaha Diinta C/laahi Abyan ayaa ka tacsiyeeyey dilka garoorahan oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda uu hogaamiyo.

“Xili la dilay Xasan waxa uu ku sii jeeday goobtiisa shaqo ee degmada, marka mana jirin xiligaasi ilaalo u gaar ah, waxaana Alleh uga baryayaa in uu Janadii ka waraabiyo” ayuu yiri wasiirka garsoorka Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur.

Wasiirka Garsoorka ayaa sheegay in shaqada garsoor ee ay bulshada u hayaan garsoorayaasha aysan saameyn doonin beegsiga lagu hayo shaqsiyaadka dowladda u shaqeeya, waxaana ciidamada ka dalbaday in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dameeyay falkaasi.

Garsoorayaasha ka shaqeeya maxkadamaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaan laheyn wax ilaalo ah, iyadoo degmada Hiliwaa ka mid tahay degmooyinka ugu khatarta badan Muqdisho.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %