Garowe:Shir  qabyo ah ee  Madaxda dowlad goboleedyada iyo ciidan wadada xirtay

Read Time:45 Second

Madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka qaarkood ayaa lagu wadaa inuu manta shir uga furmo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland

Shirkan oo marar badan dib u dhacay ayaa lagu wadaa inuu galabta ka furmo magaalada Garowe, isagoo uu socon doono 20-23-ka bishan Oktoobar.

Waxaa ka qeyb galaya afar madaxweyne oo kala ah Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug.

Axmed Madoobe ayaa ah madaxweynihii ugu horeeyay ee gaara magaalada Garowe, waxaana wararku sheegayaan in Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada laga saaray maamulka Hirshabelle, kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare uu la heshiiyay dowladda Soomaaliya.

Boorka shirka Garowe ee Golaha maamul Goboleedyada ayaa waxaa ka muuqda afarta madaxweyne ee Puntland, Galmudug, K/Galbeed iyo Jubbaland, waxaana la filayaa in madaxda dowlad goboleedyadu shirkooda ka soo saaraan go’aano kuwii hore ka adadag oo ay ka qaadanayaan dowlada dhexe oo khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo.ciidamada Gadooday halkaan Riix

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %