Garoonka Gaalkacyo oo u hakaday cabsida xiisadda Galmudug & Puntland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Garoonka Gaalkacyo oo u hakaday cabsida xiisadda Galmudug & Puntland

Mareeg.com: Gegida diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa maanta shaqadiisu hakad gashay kadib markii uu cirka isku shareeray khilaaf soo kala dhexgalay maamulada Puntland iyo Galmudug oo kala maamulka Woqooyiga iyo Koonfurta magaalada.

Muranka ayaa qarxay kadib markii maamulka Puntland uu xayiraad kusoo rogay garoon maamulka Galmudug ka sameystay koonfurta Gaalkacyo, iyadoo garoonkii hore ee magaalada oo dhaca dhanka woqooyi uu gacanta ku hayo maamulka Puntland.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno magaalada Galkacyo waxaa maanta garoonka Gaalkacyo ka degtay hal diyaarad oo qaad sida, iyadoo la sheegay in diyaaradihii kale ee maalin walba ka degi jiray ay ka baaqsadeen.

Diyaaradaha Ganacsiga ee ka imaanayay Muqdisho iyo dalalka deriska ah iyo diyaaradaha UN-ka ayaa u baaqday cabsi ay ka qabeen in labada maamul uu isku dhac dhex maro, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay.

Waxaa cabsida diyaaradaha sii badiyey kadib markii xalay woqooyiga Gaalkacyo lagu arkay ciidamado farabadan oo Puntland leedahay, kuwasoo la sheegay in magaalada las dhoobay, iyagoo ka cabsi qabay in ciidamada Galmudug xiraan garoonka Woqooyiga, maadaama Puntland diyaaradaha ka horjoogsatay garoonka Koonfureed ee Galmudug.

Suxufiyiinta ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in goobaha ay ciidamada Puntland soo gaareen ay ka billaabeen howlgallo lagu sheegay inay ku sugayaan ammaanka.

Dhanka maamulka Galmudug ayaa isagana la sheegay inuu ciidamo badan geeyey Gaalkacyo, iyadoo madaxweynaha maamulka Galmudug uu saddex maalmood ka hor ku hanjabay iney go’aan qaadan doonaan haddii muddo 3 maalmood ah aan jawaab qancisa dowladda Federaalka ah iyo beesha caalamku ka siin tilaabada Puntland ku horjoogstay garoonka Galmudug.

Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay inuusan aqbali doonin inuu shaqeeyo garoonka diyaaradaha Koonfurta Gaalkacyo, iyagoo ku andacooday in laga soo dejinayo hub laga soo rarayo garoonka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!