
Degmada Ceelbuur oo muddo 7 bilood gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ku jirtay kadib markii laga sararay Al-Shabaab oo sanooyin badan ka talinayeen ayaa maanta la gaarsiiyay gaargaar muhiimo oo uu ka mid ahaa Matooor weyn oo nooca Ceel-biyoodka.
Gaargaarkan oo yimid kadib baaqii dhowaan loo jeediyay dowladda Federaalka iyo Hey’adaha Sama falka ayaa waxaa uu gar-gaarkan ka koobnaa raashin iyo matoor dabka dhaliya oo biyaha soo saari.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta C/qaadir Xuseen Jahweyn oo ah Gudoomiyaha Gurmadka degmada Ceelbuur ayaa uga mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay matoorkan iyo raashinka oo loogu tala galay dadka deegaanka.
“Waxaan marka hore si weyn uga mahad celinayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka, Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga iyo Jaaliyadda UK ee ka soo jeeda degmada Ceelbuur oo dhamaantood si weyn uga wada qeyb qaatay gar-gaarkan maanta la gaarsiinayo degmada Ceelbuur oo uu ugu horeeyo Matoorkan weyn ee Ceelbiyoodka ah, kaasi oo ah mid baahi weyn loo qabay”ayuu yiri Jaahweyn.
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay in dadka kale ee balan qaaday inay ka qeyb qaadanayaan horumarinta deegaanka, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada aas aasiga inay ka soo baxaan balan-qaadkooda.
“Waxaa sidoo kale ka codsaneynaa inta kheyrka jecel iyo walaalaha kale ee balan qaaday in ay gacan ka geystaan sidii loo gargaari lahaa dadka ku dhibaatoobay daruufaha dagaal iyo abaaro ee ka jira deegaanadaas in ay la soo deg degaan gurmadkooda gaar ahaan, gar-gaarka dhinaca caafimaadka”ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Gaargaarkan ayaa maanta lagu wareejiyay maamulka Degmada Ceelbuur, gaar ahaan Gudoomiyaha degmada Nuur Xasan Guutaale, waxaana la filayaa inuusan noqon gar-gaarkii u horeeyay ee la gaarsiiyo degmadaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay oo bishii hore booqday Ceelbuur ayaa ku baaqay in degmada lala soo gaaro gar-gaar, isla markaana la soo celiyo adeegyadii aas aasiga u ahaa bulshada.
Degmada Ceelbuur ayaa markii Al-Shabaab lagala wareegay waxaa ka qaxay dhamaankii dadkii deegaanka, iyadoo la sheegay inay ka qaateen Motoorkii iyo qalabkii kale oo uu ku shaqeynayay Ceelkii ugu weynaa ee biyaha magaalada soo saari jiray, waxaana degmada aan ka jirin biyo nadiif ah, iyadoo dadka fara ku tiriska ee ku harayna cabayeen biyo aan nadiif aheyn.
———-DHAMMAAAD——