Garbahaarrey, Mareeg.com: Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, waxaana dagaalku yimid kadib Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen meel banaanka ka ah Garbahaarrey.
Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaas, waxaana saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya sheegeen iney iska caabiyeen weerarka Alshabaab.
Dagaalkaas kadib ayay xoogagka tirsan Al-shabaab waxay weerareen ciidammo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray oo ka yimid degmada Baladxaawo kuna socday degmada Garbahaarey, iyadoo halkaasna uu ka dhacay dagaal culus.
Saraakiishii hoggaaminayay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay kala eryeen xoogaggii Al-shabaab ayna safarkooda sii wateen isla xalay, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin dagaalladaas.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegay inaysn jirin wax saameyn ah oo ay dagaalladaas ku yeesheen xalay, balse ay maqleen rasaasta ay dhinacyadu is-dhaafsanayeen.
Gobolada dhacay koonfurta Soomaaliya ayaa ah meel ay inta badan iksu hardiyaan Alshabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dalalka Afrika.
Mareeg.com