Garabka Cabdi Xaashi ee Guddiga Doorashada oo doortay Guddoomiye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Garabka Cabdi Xaashi ee Guddiga Doorashada oo doortay Guddoomiye

Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland ee uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

 

Guddigan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

 

Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo galabta ay guddoon doorteen todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble.

 

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.