Deg Deg: Garab kamid ah guddiga doorashada Somaliland oo qaadacday doorashada Berri ee Afisiyooni
Garab ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ayaa diiday inay berri ka qeyb galaan doorashada lagu madlan yahay inay ka dhacdo Teendhada Afisyooni, taasoo ay isku dooranayaan xubnaha Hoggaanka Guddiga doorashada.
Xubnahan oo ah afar ka mid ah sideedda Guddiga deegaan doorashada Somaliland ee ka yimid dhanka Cabdi Xaashi ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galkooda doorashada berri.
Garabkan ayaa waxa ay dalbadeen inay uga qeyb geli karaan oo kaliya in 8 xubnood ay doorashada ka qeyb galaan iyo in wada hadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira.
Xukuumadda iyo guddiga doorashada heer federal ayaa hore u shaacisay in doorashada gudoonka guddiga goboladda Waqooyi la qabanayo berri oo Sabti ah laguna qabanayo Afisyooni.
Guddiga doorashada gobolada Waqooyi oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa afar ka mid ah soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare halka afarna uu magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka iyadoo saddexda kalana uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.
Muqdisho-Somalia