Garab ka mid ah Guddiga Doorashada Somaliland oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen

Read Time:52 Second

Xubnaha maamulaya Doorashada Somaliland ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa iska doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen, sida lagu shaaciyay barta Facebook ee Guddiga Doorashada FIET. Khadar Xariir Xuseen ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Najiib Xuseen Samaale loo doortay Kuxigeen.

Xubnaha is doortay ayaa ahaa 7 xubnood oo isugu jiray afar xubnood oo ka mid ahaa Guddigii 8-da Xubnood iyo Saddex Xubnood oo ahaa xubnihii dheeriga ee laga soo magacaabay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Doorashada ayaa waxaa ka maqnaa afarta xubnood ee ka socday dhank Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana xubnaha is doortay ay ahaayeen kuwii ka yimid dhanka Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

khilaafkii Siyaasiyiinta labada garab ee Gobolada Waqooyi ayaa u muuqda inuu dib u soo laba kacleeyay, maadaama Guddidii labada garab ka yimid ay khilaafka darteed labo hotel u kala dageen.

Wararka ayaa sheegaya in arrinta ugu weyn ee la isku hayo  ay tahay in aanay doorashda Guddoomiyaha Guddiga ka qeyb galin saddexda xubnood ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga soo magacaabay, taasoo aheyd dood ay qabeen Garabka Cabdi Xaashi.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %