Gantaalo ku dhacay dhismaha safaarada Ruushka ee caasimada Siiriya

October 13 (Mareeg)—Wararka ka imanaya dalka Siiriya ayaa sheegaya in labo gantaal oo ku dhacay dhismaha safaarada Ruushka ee magaalada Dimishiq.

Wararka ayaa sheegaya in ay dad ku dhaawacmeen weerarada gantaalaha ah ee lagu qaaday safaarada Ruushka ee magaalada Dimishiq.

Dhowr boqol oo qof, ayaa isugu soo baxay bannaanka iyaga oo taageera u muujinaya xukuumadda Moscow ololaha duqeymaha cirka ay ka wadaan Suuriya.

Weerarka gantaalka, ayaa imaanaya maalin kaddib markii Abu Mohammad al-Golani, oo hoggaamiya kooxda al-Nusra Front, oo xiriir la leh Al-Qacida kana dagaalanta Suuriya, uu ku tilmaamay ololaha weerarka cirka ee Moscow in uu yahay mid cusub oo ah halgan qaddiyadeed.

Weerarka Moscow, ayaa diirada lagu saarayaa deegaanada ku yaalla waqooyi galbeed Suuriya, oo ah meel ay ku xoog badan yihiin kooxda Al-Nusra.