Ganacsato Soomaali ah oo lagu dilay rabshadaha ka socda Koofur Afrika

Read Time:42 Second

Ilaa afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay qeybo ka tirsan gobolka Kwa-zulu Natal ee ay ka socdaan dibadbaxyada rabshadaha wata xilli madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, uu shacabka dalkaasi ugu baaqay inay joojiyaan rabshadaha isla markaana ay si adag uga soo horjeestaan kuwa uu sheegay inay dalka fowdo u horseedayaan.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in milateriga Koonfur Afrika loo daadgureeyay degmooyinka qaar si ay gacan uga gaystaan xakamaynta qulqulatooyin iyo boob maalintii shanaad ka soconaya dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Jacob Zuma ayaa todobaadkii hore waxa uu bilaabay 15 bilood oo xarig ah oo loogu riday inuu ka dhaga adaygay amar maxkamadeed.

Haddaba xaaladihii ugu dambeeyay ee dalkaasi Koofur Afrika, ayaa waxaanu ka wareysannay Cabdullaahi Macow Cawaale, oo ku nool Durban, gobolka Kwa-Zulu Natal.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %