Ganacsato lagu xirey magaalada Jowhar oo xabsiga laga sii daayay

Read Time:45 Second

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta la sii daayay ganacsato lagu xirey kadib markii ay gaareen deegaan ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.
Sii deeynta ganacsatadan oo tiradoodu gaareyso 17 ayaa ka dambeysay kadib dadaalo badan oo ay sameeyeen ganacsatada iyo duqeyda dhaqanka ee magaalada Jowhar.

Ganacsatadan la sii daayay ayaa waxaa ay sheegeen inaysan u qalmin in la xiro balse ay jawaab ka sugayaan maamulka gobolka Sh/dhexe inay raali gelin ka bixiyaan xarigooda.
Ganacsatadan ayaa waxa ay kula kulmeen deegaan ay ka taliyaan Al-Shabaab saraakiil ka tirsan ururkaas iyadoo lagu amray ganacsatada inay bixiyaan lacagaha zakada ah.

Taliska ciidamada Nabad Sugida Gobolka Sh/dhexe ayaa hore uga mamnuucay shacabka gobolka Sh/dhexe inay tagaan deegaanada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab hase yeeshee dadka ayaa u aada arrimo la xiriira garsoorka deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %