Ganacsatada Soomaalida oo bilaabay iney ka guraan Kenya

Nairobi – Mareeg.com: Kadib markii ciidamada Kenya holwgallo is-dabajoog ah la dabagaleen ganacsatada Soomaalida ah ee xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayay ganacsatadaasi bilaabeen iney u wareegaan dalalka Uganda iyo Rwanda.

Wargeyska daily Nation ee ka soo baxay magaalada Nairobi ayaa daabacay in maal- geliyaasha Xaafadda Eastleigh ay u la baxayaan lacagaha sababo la xiriira howlgalka ciidamada oo saameyn ku yeelan karo dhaqaalaha Kenya.

Xuseen Aar oo ka mid ah ganacsatada xaafadda Eastleigh, ayaa sheegay in dadka ganacsatada ah ay aaminsan yihiin in deegaan ahaan Kenya hadda aysan ku habooneyn in maalgelin ay ku sameystaan.

Wuxuu intaas raaciyay in qaar ka mid ah ganacsatada ay ka dalbadeen dhul ay degaan wadamada Uganda iyo Rwanda si ay halkaas uga bilabaan ganacsi iyo nolol.

Xuseen Aar ayaa sheegay in ganacsato taradooda  lagu qiyaasay  20 kun ay qorsheynayaan inay ka guuraan magaalada Nairobi, kuwasoo u wareejiinaya gancsigooda dalalka Soomaaliya, Tanzania, Malawi, Mozambique iyo magaaladda Dubai ee dalka Isku tagga Imaaradka Carabta.

Wargeyska ayaa qoray in ganacsatada ka guuraya Kenya dhismooyin ganacsi laga siiyey dalalka Uganda iyo Rwanda.

Wuxuu sidoo kale, wargeysku sheegay in dhismayaal badan oo ganacsi oo ku yaallay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ay haawanayaan, islamarkaana dadkii guryahaas lahaa ay weysan yihiin cid ka kireysata.

Howlgalka amniga ee Kenya ugu magac dartay Usalama Watch oo dhowr todobaad ka socday xaaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ayaa sabab u noqday in ganacsato badan ka niyad jabaan ku noolaasha Kenya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245