Ganacsatada muqdisho oo laga mamnuucay ineey keenaa magaalada qalabka …

Muqdisho ( mareeg News ) wareegto kasoo baxday xafiiska Wasaarada ganacsiga JFS ayaa lagu mamnuucay in ganacsatada ay magaalada keenaan qalabka caruurta ay ku cayaraan.

waa markii ugu horeeysaay oo ay wasaarada ganacsiga mamnuucdo in ganacsatada muqdisho keenaan qeeyb kamid ah qalabka caruurta ku cayaraan maalmaha ciida.

waaiirka wasaarda mr maareeye ayaa ganacsatada u sheegay ineey mamnuuc tahay keenista qalabka caruurta ku cayaraan ee shabaha hubka sida bastooladaha, qoryaha, baaruuda, waxuuna sheegay ineey qatar amni ku yihiin caasimada.

ganacsatada laga mamnuucay qalabkaan ayaa shabakada mareeg u sheegay in dhibaato xoogan ay ku yeelatay mamnuucista ganacsigooda sidoo kalana ay kala kulmeeyn qasaaro hanti maadaama la mamnuucay waxa ay keeneen.