Ganacsade Maanta Lagu Dilay Degmada Waabari
Kooxo hubeysan ayaa Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ku dilay la sheegay in uu ahaa Ganacsade si weyn loogu yaqaanay Degmadaas.
Allaha u naxariistee nin la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed-deey Garfiiq oo kamid ahaa Ganacstada Sarifleyda ee Suuqa Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.
Dilka ka dhacay Degmada Waabari ayaa waxaa la sheegay in ay fuliyeen Rag bastooladoo ku hubeysnaa oo islamarkiina goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Comments are closed.