Ganacsade horay uga mid ahaa saraakiisha Ahllusuna oo lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa xalay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nin la sheegay inuu ka tirsanaan jiray saraakiisha Ahlusunna ee gobolka Galgaduud, gaar ahaan Guriceel.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Shidane Diiriye, wuxuuna horay u ahaan jiray taliyihii hore ee amaanka Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda dilka fulisay ay goobta ka fikadeen, waxaana isla goobta gaaray ciidamada Amaanka Soomaaliya oo baaritaano ka fuliyaya Aaga uu dilku ka dhacay.

Maxamed Shidane ayaa kamid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed oo mudoojinkaan ku maqnaa dalka Koofur Afrika, waxaana uu maalmo ka hor kamiyid dalka Koofur Afrika. 

Al-shabaab ayaa sheegtay dilka Max’med Shidane oo lagu Toogtay Suuqa Bakaaraha ee degmada Holwadaag.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245