Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay Baledweyne

Read Time:39 Second

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka halkaas lagu dilay ganacsade caan ahaa oo deganaa galbeedka magaalada.

Dabley bastooladu ku hubeysan ayaa toogtay Xaaji Cismaan Qoorow  oo ganacsade ahaa isla markaana odayaasha dhaqanka ka tirsanaa, waxaana dilay saakay markii u ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Howl-Wadaag.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Macalin Cismaan Qallaafoow, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ku daba jiraan kooxdii dilka geysatay, dhawaana ay warbixin siin doonaan warbaahinta.

Ninkan ganacsadaha ahaa ee la dilay ayaa lahaa shirkad dhisme oo qandaraasyo ku qabtay dib u dhiska dhowr xarumood oo ay ku jiraan goobaha adeegga bulshada Baledweyne.

Ganacsade Xaaji Quuraaw ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn loogu tixgeliyo magaalada Beledweyne dadaal badana galay sidii nabad uga dhalan lahayd magaalada.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.