Ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay Boosaaso * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ganacsade caan ah oo xalay lagu dilay Boosaaso

Mareeg.com: Xalay fiidkii waxaa magaalada Bosaso lagu diley ganacsade Xirsi Adam (Xirsi Adduunyo) oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee magaalada Bosaso.

Dilka ganacsadahan waxaa geystey koox dabley ah oo ugu tegey xaruntiisa ganacsi ee Hubaal oo ku taala koonfurta magaalada Bosaso gaar ahaan waddada looga baxo Bosaaso ee laamiga ah.

Xirsi Adduunyo ayaa muddo dheer ka ganacsan jirey Shidaalka, waxaana uu kamid ahaa ganacsatada soo dejisa Shidaalka, Waxa uu sameeyey Xarunta Shidaalka ee Hubaal, Sidoo kale dhawaan waxa uu banaanka Boosaaso ka dhisey Wershad Biyaha safaysa oo la yiraahdo Hubaal Water.

Ganacsadahan ayaa todobaadyo ka hor kooxo dhalinyaro ah ku handadeen gudaha magaalada Bosaaso, inkasta oo aysan gaarsiin waxyeelo ayaa la sheegayaa in ay ka qaateen wixii uu gacanta ku watey.

Dilka Ganacsade Xirsi Adduunyo ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalintii shalay Boosaaso ka dhaceen Rabshado, maamulka Puntland ku eedeeyey in uu soo abaabuley Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari, C/samad Gallan oo isagu hadda ku jira dhuumasho, kadib markii ciidamadu ku weerereen aqalkii uu deganaa.

Lama oga in ay xiriir leeyihiin dilka ganacsadaha iyo rabshadihii maalin ka hor  ka dhacay magaalada Boosaaso.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!