Ganacasato Soomaali ah oo hub sababtiis loogu xiray Koonfur Afrika

Read Time:1 Minute, 11 Second

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas boolisku ku xiray ilaa 8 Somaali ah. Dadkaan ayaa laga qabtay magaalada Soweto ee dalkaas.

Sida uu warbaahinta u sheegay Laba xiddigle, Kay  Makhubela Soomaalida la qabtay ayaa haystay hub sharci darro ah oo ay u adeegsanayeen inay ku dilaan dadka u dhashay Koonfur Afrika ee boobka u geysta dukaamada ay  ku leeyihiin magaalada Soweto.

Sideeda qof  ee Soomalida ah ayaa salaasadii lagu qabtay xaafadaha  Bram Fischer Phase two iyo in Snake Park, waxayna dadka deegaannadaasi dalbadeen in ganacsatada Soomaalida ahi ay isaga baxdo xaafadahaas.

Sidoo kale, labo Xidiglaha ayaa ku dooday in ragga Soomaalida ah lagu helay warqado aqoonsi oo been abuur ah. Qabqabasahada Soomaalida ayaa timid kadib markii Isniintii tagtay ay rag ajnabi ahi wiil dhalinyaro ah ku dileen magaalada Soweto, ayna dhaawaceen mid kale, kadib markii koox dhalinyaro ahi ay isku dayday inay boobto goobo ganacsi.

Boobka ganacsatada ajnabiga ah, gaar ahaanna Soomaalida ayaa  ku soo kordhay maal mihii ugu dambeeyay xaafadaha magaalada Soweto, taas oo keentay in ganacsatada qaarkeed ay isaga qaxdo xaafadaha magaaladaas.

Soomaalida dalka Koonfur Afrika ayaa qaarkood waxey iibsadaan hub ay naftooda iyo hantidooda ku difaacaan, waxaana mararka qaar boolisku u geystaa xarig sida hadda dhacday.

Booliska Koonfur Afrika ayaan inta badan dadka Ajaanibta ah ka difaacin boobka iyo dhacay ay u geystaan dhalinyarada dalkaas, taasoo Soomaali iyo ajnabi kale ku kaliftay iney hub iibsadaan.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %