Galmudug Oo Xukun Ku Riday Rag U Dhashay Dalka Yemen

Read Time:36 Second

Maxkamada Gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug ayaa xukun isugu jiray ganaax iyo xabsi ku riday seddex muwaadin oo ka soo jeeda dalka Yaman,kuwaas oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya,sida uu sheegay kaaliyaha maxkamada.

Raggan oo magacyadooda lagu sheegay Cabdiraxmaan Cali Saciid, Cabdalla Saalim Cabdalla iyo Maxamed Saalim Cali ayaa lagu ridday ganaax lacageed oo gaaraya min 2 kun oo dollar halka sido kale lagu xukumay min 2 sanno oo xabsi ah.

Maxkamada waxay sido kale 50 kun oo dollar ku ganaaxday milkiilaha doonta ay kooxdan u isticmaalayen kalluumeysiga oo lagu magacabo Al-Ikhlaas.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo qolyaha sida sharci darada uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya ayaa aad ugu badan deegaanada maamulka Galmudug.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %