Galmudug oo Muqdisho u dirtay ciidamo ku biiraya Kumaandoosta

Mareeg.com: Ilaa 25 askari oo ku biiraya ciidamada Kumaandoosta Soomaaliyeed ee Danab ayaa maanta laga qaaday magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug, iyagoo tegaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamadan oo ka kooban 25 askari ayaa maamulka Galmudug soo xulay, waxaana garoonka diyaaradaha Gaalkacyo kula wareegay Taliyaha ciidamada Kumaandoosta Soomaaliyeed ee Danab, Col. Xasan Maxamed Yuusuf.

Taliyaha Kumaandoosta Soomaaliya, Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sheegaya in ciidamadan marka ay tagaan Muqdisho ay qaadan doonaan ilaa 6 bilood.

Taliye Xasan ayaa sheegay in marka uu dhamaado tababarka 6-da bilood ah raga ku soo baxa xirfad wanaagsan loo qaadi doono debadda, si aqoontooda kor loogu sii qaado.

Wuxuu sheegay taliyuhu in ciidamadan loo tababarayo sidii ay ula dagaallami lahaayeen Alshabaab iyo cid kasta oo Soomaaliya kusoo gardaroota.

C/samad Nuur Guuleed oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamadani yihiin kooxdii ugu horreysay ee Galmudug u dirto Muqdisho si ay ugu biiraan ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata iney bilaabeyso in ciidamo kazoo qorato deegaanada ay ka jiraan maamul goboleedayada, iyadoo horay ciidamada badankood looga qori jiray deegaanada dowladda Federaalku maamusho.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245