galmudug oo lawareegtay qeybo kamid ah Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

galmudug oo lawareegtay qeybo kamid ah Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Iyadoo Saaka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uu ka dhacay Iska hor imaad u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali Magaalada waxaa laga Maqlayaa Rasaas Goog Goos ah oo ay isku ridayaan Labada Dhinac.

 

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Galmudug ay la Wareegeen Xaafado ka mid ah Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland,waxaana ka mid ah Xaafadda Cagaar-weyne,Warshadii hore ee Galeeyda Magaalada Gaalkacyo iyo Kontoroolka Puntland ee dhaca Xadka Labada Maamul.

 

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug ay halkaa ku sugan yihiin,waxaana Ciidanka kale ee Taabacsan Puntland ay u durkeen dhanka Suuqa weyn ee Gaalkacyo.

 

Khasaaraha Dhimasho iyo mida dhaawac ee ka dhashay Dagaalka ayaan wali la Ogeyn,waxaana sidoo kale jirta Madaafiic ay isku duur duurayaan Labada Dhinac.

 

Xaaladda gaalkacyo Ayaa far aha ka baxday waxaana guuldareystay Guud ahaan waanwaantii laga dhexwaday labada Maamul ee Puntland Iyo galmudug taasi oo ay wadeen odayaasha dhaqanka labada Maamul Iyo Dowladda Dhexe. Warar kale oo la xiriira Mowduucaan:

http://www.mareeg.com/madaxweynaha-galmudug-oo-ka-hadlay-xiisadda-ka-aloolsan-magaalada-gaalkacyo/

 

http://www.mareeg.com/galkacyoputland-oo-war-eedeyn-ka-soo-saartey-dagaalka/

 

http://www.mareeg.com/somalia-galmudug-accuses-puntland-president-of-igniting-galkayo-conflic/

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!